War DEG DEG:-Nabadoon Goordhaweyd Lagu Dilay Magaaladda Baraawe

0

Wararka ka imaanaya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in Goordhaweyd lagu dilay gudaha degmadaas Nin Nabadoon ahaa oo si weyn loo Yaqaanay.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacabi jirey Saydinaa Xaajiyow,waxaana dilkiisa fuliyay kooxo hubeysan oo bastoolado watay sida idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho u sheegay Gudoomiyaha Degmada baraawe Xuseen Jeex.

Nabadoonka la dilay ayaa kasoo baxay masaajid ku yaala Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose,xiligii Salaadda Cisho kadib.

Ala ha U Naxariistee Nabadoon Saydinaa Xaajiyow ayaa sidoo kale kamid ahaa Mas’uuliyiinta maamulka Degmadda Baraawe, wuxuuna sidoo kale soo noqday Gudoomiyihii dhul bixinta Degmadaas xiligii Dowladdii Dhexe ee Soomaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here