Xildhibaanada Baarlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Golaha shacabka ayaa ansixiyay xubin ka mid noqon doonta Gudiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.
Golaha Shacabka Jamuuriyada Fadaraalka marki uu furmay kulankooda waxaay cod aqlabiyadleh ku ansixiyeen xubinnimada Muumino Shiekh Cumar, oo noqotay Xubin ka mid ah Guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.
Xildhibaanad Muumino ayaa lagu wadaa in ay marto xildhibaanada Aqalka sare si ay u ansixiyaan Golaha Aqalka sare markaasi oo ay noqon doonto xubin buuxdo oo ka mid ah Gudiga madaxa banqaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.

