Al-shabaab oo Weeraray Saldhig AMISOM Ku Leeyihiin Shabeelaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab in ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada midowga Afrika AMISOM ay ku leeyihiin  Gobolkaas.

Al-shabaab ayaa weeraray Saldhig ciidamadda AMISOM ku leeyihiin deegaanka lagu magacaabo Mashalaayo ee hoos taga degmada Qoryooley ee Shabeelaha  hoose.

Goobta la weeraray wuxuu ahaa saldhiga weyn oo Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Gobolkaas waxaana halkaas ka dhacay dagaal waqti badan qaatay.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in saldhigaas laga weeraray dhowr jiho islamarkaana khasaaro la gaarsiiyay Ciidamada AMISOM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here