Ciidamadda Dowladda iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Deegaan hoos Yimaada Balcad

0

Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Soomaliya iyo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa ka dhacay Deegaan hoos yimaada Degmadda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, oo lagu magacaabo Haan-Sheekh.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ay jidka u galeen Ciidamo ka tirsan kuwa malatariga Dowladda Soomaliya oo marayay deegaankaas.

Gaadiid dagaal oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha ayaa la sheegay in lagu dhuftay baasuuke, waxaa la sheegayaa in gaariga uu gabi-ahaanba uu gubtay.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in weerarka gaadmada lagu dilay Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda.

Dhawaanahaan  dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa jidka u galay Ciidamada isticmaala wadada u dhaxeysa Magaalooyinka  Jowhar iyo Balcad .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here