Wasiirkii Seddexaad ee Maamulka Hir-shabeelle oo Iscasilay

0

Wasiiru dowlihii wasaarada arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Cali Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu dhawaan u magacaabay madaxweynaha maamulkaas.

Yuusuf Cali ayaa ku macneeyay sababtuu isaga casilay xilkii loo mgacaabay in uusan ku qanacsaneen xilka wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha Hirshabeelle, islamarakaana icasiladiisa uu u gubdiyay madaxweynaha Maamulka Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare.

Shalay oo jimco aheyd Taariikhdana ay ku beegneed 1/12/2017 waxaa iscasilay Muxsin Muxumed Sheekh Shafeec oo ahaa Wasiiru Dowlihii Amniga & Dhaqancelinta Hirshabelle kana tirsanaa xubnihii la soo magacaabay 29-kii bishii November ee sanadkaan.

29-kii  Bishii November ayaa waxa iscasilay Ismaaciil Maxamad Culusow oo ahaa wasiiru dowlaha cusub ee wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Hir-Shabeelle, kadib markii uu sheegay in aan laga tashanin.

Tan iyo Markii la magacaabay Golaha Wasiiradda maamulka Hir-shabelle waxa jirey cabashooyin kasoo yeeray qaar kamid ah beelaha daga Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here