Weerar Lagu Qaaday Kolonyo Galbineysay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan

0

Wararka ka imaanaya Gobalka Hiiraan ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Hir-shabele iyo Dagaal-yahanada Xarkada Al-shabaab.

Dagaalkaan ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii kolonyo galbineysay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo marayay duleedka degmada Matabaan ee Gobalka hiiraan ay wadada ay u galeen Ciidamo katirsan Xarakada Al-shabaab, halkaana uu ka dhacay dagaal labada dhinac ay isku adeegsadeen waxii karaankooda ah, balse ilaa iminka aan la xaqiijikarin qasaaraha Rasmiga ee dhinacyadii uu dagaalka u dhaxeeyay soo kala gaaray.

War kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadooda gaarka ay weerar ku qaadeen kolonyo galbineysay Gudoomiyaha ugu magacaban dowlada Gobalka hiiraan halkaana uu ka dhashay qasaare soo garay Saraakiishii iyo Ciidamdii galbineysay Gudoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Al-shabaab ayaa intaa ku daray inuu Kolanyada weerarka lagu qaaday Hogaaminayay Sarkaal lagu magacaabo Treedisho, halkaana ay ku geeriyoodeen Sadax Askari gari Noha ahna ay ku gubeen halka Al-shabaab ay sheegeen inuu si dirqi ah kaga bad baaday Gudoomiyaha iyo sarkaal Treedisho.

Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Gobalka Hiiraan oo ku aadan weerarka la sheegay in lagu qaaday Kolonyo galbineysay Gudoomiyaha Hiiraan, balse Xiriiro idaacada Simba ay la sameysay saraakiisha Milletariga Hir-shabele ayaan ka jawaabin Xiriirka aynu la sameynay.

Waxii kusoo kordha weerarkaas kala soco SimbaNews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here