Wararka naga soo gaaraya gobalka Jubbada hoose ayaa ku waramaya in halkaasi ay duqeyn qasaaro dhalisay ka fuliyeen diyaarado dagaal oo loo maleynayo in laga leeyhay Mareyknka.
Ilo dadka deegaanka ayaa Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho u Xaqiijiyay in dhowr gantaal lagu weeraray goobo loo maleynaayo iney fariisimo ku lahayeen Xarakada Al-shabaab, inkastoo an la ogaan karin uu jiro qasaaraha rasmiga ee kasoo gaaray Al-shabaab duqeynta ka dhacday duleedka Af-madow.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka duqeynta diyaaradaha ay u fuliyeen iyo sidoo kale qasaaraha rasmiga ee ka dhashay duqeyntaasi, wararka qaar ayaa intaa ku daraya in duqeyntaasi ay wax yeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa goobaha la duqeyay.
Dhanka kale War-Saxaafadeed kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka in lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, halkaana uu dhaawacyo halis ah kasoo gaaray sida Al-shabaab ay ku daabaceen barahooda Internetka haweyne iyo sadax ruux oo kale.
Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho oo u suura gashay iney qadka Taleefanka kula hadasho Saraakiisha Laamaha Amniga Jubbaland ayaa u xaqiijiyay iney jirto duqeymo ay fuliyeen diyaaraddo kuwaa oo dhowr gantaal ku tuuray Fariisimo ku yaal duleedka degmada Afmadow ee Jubbada hoose oo loo maleynaayo iney ku sugnayeen Xarakada Al-shabaab.
Diyaaradaha dowlada mareykanka ayaa bilihii ugu danbeyay korhdhiyay weerarada iyo duqeymaha ay la bartil maameed-sanayaan Goobaha ay ku sugan yihiin Hogaanka iyo askarta Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha Somaaliya, inkastoo duqeymahaasi intooda badan ay ku wax noqdaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxeyna arintaan kusoo beegmeysaa iyadoo mareykanka uu beeniyay inuu dad shacab ah ku dilay duqeymihii Bariiire.

