War Deg Deg Ah :- Qarax Qasaare Geystay oo ka Dhacay Magaalada Boosaaso

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in bambo gacmeed goordhaweyd lagu tuuray ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo ku socdalayay mid kamid ah wadooyinka Boosaaso.

Inta la xaqiijiyay 11-ruux ayaa ku dhaawacantay bambo gacmeed lagu tuuray ciidamo ka tirsan madaxtooyada boosaaso ee goobtaasi marayay sida goob joogayaal ay u sheegeen Xarunta dhaxe ee idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho.

Dadkan dhaawacmay ayaa waxaa ku jira askar ka tirsan ciidanka puntland, iyo dad shacab ah,waxaana la sheegay in dadkaasi ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamada puntland,iyadoona 11 qof ee ku dhaawacmay qaraxa loo qaaday isbitaalka magaalada boosaaso ee gobalka barri.

qaraxa kadib waxa goobta gaaray ciidamo dheeraad ah oo ktirsan kuwa amaanka maamulka Puntland kuwaasi oo howlgalo sameynaya, mana jirto cid loo soo qabtay falkaan goordhaweyd ka dhacay magaalada Boosaaso.

majirto ilaa iminka cid sheegatay Mas’uuliyad Qaraxa lagu weeraray ciidamo ka tirsan madaxtooyada Magaalada boosaaso.

waxii kusoo kordha waan idinla wadaagi doono Nagala soco..  WWW.SimbaNews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here