Rag isticmaalaya mootooyinka labo lugaaleeda ayaa xaley dhac ka geystay duleedka degmada Balcad ee Gobolka sahbeelaha dhexe.
Kooxdaan oo wata mootooyin ayaa u socda labo labo waxana weeraro ay ku qaadayaan gadiidka ku safraya muqdisho iyo jowhar wadada xariirisa.
Mid kamid ah dadka ku nool duleedka degmada balcad ayaa u sheegay idaacadda Simba in xaley in duleedka degmada balcad lagu dhacay in ka badan 4 gaari oo qaarkood ay ku siijeedeen magaalada jowhar.
Ragaan dhaca geysanaya waxa ay qaarkood xiran yihiin sida inoola xaqiijiyay dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya.
Gadiidka dhaca loo geystay ayaa lagu soo waramaya in dhamaan dadki rakaabka ahaa ee gadiidkaasi saarnaa laga qaatay waxyaabihi ay wateen.,
Maamulka degmada balcad ayaa ciidamo u diray goobaha ay ku badan yihiin ragaan dhaca ka geysanaya wadada xariirisa mgalooyinka muqdisho iyo jowhar.

