War Deg Deg:-Dagaal Ka Socda Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay

0

Wararka ka imaanaya Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya iyo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab in uu socdo.

Dagaalkaan ayaa ka socda deegaan la yiraahdo ‘Kukiye’ oo ku yaala wadada Xariirisa Magaaladda Baydhabo iyo Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Baay.

Ciidamo Ka soo baxay Magaalada Baydhabo, ayaa waxa jidka ugaley dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al shabaab.

Wariye ku sugan Degmada  Buur-hakaba  ayaa soo sheegaya in Ciidamo Gurmad ah oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ay u dhaqaaqeen goobta Degaalka ka socda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here