Waxaa saacado kadib ku dhawaaqistii Golaha wasiirada Hirshabeelle durba ku dhawaaqay inuu xilkaasi iska casilay mid kamid ah wasiiradii maanta uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.
Xubnaha Golaha Wasiirada cusub ee uu Maanta ku dhawaaqay Madaxweynaha Hir-shabelle oo ka koobnaa 20 wasiir iyo 20 wasiir ku xigeen iyo 17 Wasiiru dowle ayaa waxaa saacado kadib xilkaasi iska casilay mid kamid ahaa Golaha wasiiradii maanta lagu dhawaaqay.
Ismaaciil Maxamed Culusow oo ahaa Wasiiru-Dowlahii Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ku dhawaaqay saacad ka kadib inuu xilkaasi maanta loo magacaabay iska casilay.
Ismaaciil Maxamed Culusow oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa sheegay inuu xilkaas iska casilay isagoo ku sheegay sababta uu isku casilay inay tahay iyadoo aan markii horeba lagala tashan xilka maanta loo magacaabay.
Waa Wasiiru-Dowlahii ugu horeyay ee xilkiisa iska casila ku dhawaqistii maanta Golaha wasiirada Hirshabeelle kadib.

