Cali Gacal:-“Wada-hadalada u Dhaxeeya Maamuladda Galmudug iyo Ahlu Sunna Rasmi Ma ahan”,

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wada hadalada u dhaxeeya Maamuladda Galmudug iyo Ahlu Sunna uusan aheyn wada hadal rasmi ah oo labada dhinac u dhaxeeya.

Waxa uu sheegay in shirka ka dhacaya Magaaladda Djabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti iyaga loogu sheegay Tababar Siminaar oo labada dhinac la siinayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya  iyo isaga shaqsi ahaantiisa ay la hadleen Urur Goboleedka IGAD oo Shirkaan qaban-qaabinayo, uu u sheegay in uu yahay shir iska caadi ah, uusan aheyn wada-hadal u dhaxeeya Maamuladda Ahlusuna Waljameeca iyo Galmudug.

Gudoomiye Gacal ayaa meesha Ka saaray jiritaanka wada hadalka Jabuuti in uu yahay mid heshiis labada dhinac ay wada gaarayaan islamarakaana wadatashiyo iyo go’aamo kasoo baxayane aanan jirin.

Magaaladda Djabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti waxaa shalay gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada  Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca kuwaasi oo ka qeyb galaya  wajigiisa 2-aad ee wada-hadalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here