Raisulwasaare Kheyre oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta

0

Raisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xil ka qaadis ku sameeyay wasiirkii Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta Dr. iimaan C/llaahi Cali.

Hadalkaan waxaa xaqiijiyay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaliya mudane Abdirahmaan Omar Cusmaan Yariisow kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada.

Xilka wasaaradda Ow-qaafta iyo Arrimaha diinta  waxaana sii heynaya Wasiiru Dowlaha Mudane Abdihakim Hassan Ibrahim Ashkir.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka mudane Xasan Cali kheyre ayaa isla saakay u magacabay wasiirka gaashaandhiga xukuumadda federaalka soomaliya mudane Maxamed mursal Shiikh Cabdiraxmaan kaasi oo xukuumadii hore kasoo noqday wasiirka wasaaradda korontoda iyo biyaha.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa saacadihii la soo dhaafay wadatashi la lahaa Madaxweynaha Farmaajo, si uu u soo magacaabo xilka Wasiirka Gaashaandhigga.

Sidoo kale Kheyre ayaa magacabista wasiirka Gaashaandhiga kala tashaday Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan,kadib safar uu ku tagay magaaladda Baydhabo.

Maalmihii dambe ayaa waxaa la hadal hayay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Xasan Cali Kheyre  uu sameyn doono xil ka qaadis iyo magacaabis kadib markii ay iscasileen qaar kamid ah wasiiradda Xukuumadda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here