Madaxda Ugu Sareysa Al shabaab oo Khilaaf Xoogan Soo Kala dhexgalay Kadib Qaraxii Zoobe

0

Sida lagu daabacay Wargeyska The standardmedia ee kasoo baxa dalka Kenya khilaaf ayaa soo kala dhexgalay Madaxda  Xarakadda Al-shabaab kaddib qaraxii 14-kii Ocober ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiil Sirdoon ah oo la hadlay Wargeyska ayaa sheegay in  madaxda dhexe ee Al-shabaab,guddoomiyayaasha Gobollada iyo Taliyayaasha Ciidamada qaar ee al-shabaab aysan la dhacsaneyn hoggaamiyaha Al-shabaab ee hadda Abuu Cubeyda.

Abuu Cubeyda oo ah hogaamiyaha Al-shabaab ayaa lagu eedeynayo in uusan la tashan Golaha shuurada ee Xarakadda Al-shabaab markii la go’aaminayay Qaraxii isgoyska Zoobbe ka dhacay bishii aynu soo dhaafnay.

Qaraxyadda iyo weerarada Al-shabaab ay fuliyaan ayaa waxaa lagala tashadaa Golaha shuurada ee Al-shabaab kuwaasi oo ansixiya goobaha la weerarayo,waxaana weerarkii Zoobbe la sheegayaa in uusan kala tashan Golaha hayeeshee go’aankaas uu kaligiis qaatay hogaamiyaha Al-shabaab .

Sidoo kale Wargeyska The standardmedia ayaa qoray in Hoggaamiyaha Al-shabaab uu haatan bartilmaameedsanayo hoggaamiyayaasha kale ee Al-shabaab sida Mahad Karataay oo ah Madaxa Sirdoonka Al-shabaab.

Qaraxii ka dhacay  Isgoyska Zoobe ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 400-qof oo dhamaan shacab ahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here