Ciidamada Badda Maamulka Puntland oo Qabtay Ajaanib Laga Shakiyey

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Ciidamada Badda Puntland ay gacanta ku dhigeen ajaanib laga shakiyey waxay soo qabteen saddex nin oo yamaniyiin ah iyo nin Somali ah oo la socday,kadib howlgal laga sameeyay deegaan xeebeedka Garacad

Gudoomiyaha deegaanka Garacad Cabdinur Cabdilaahi Xirsi ayaa sheegay in ragan loo qabtay arimo shaki dhanka nabadgalyada ah laguna xiray halkaasi oo ay ganacta ku hayaan Ciidanka Badda Maamulka Puntland baaritaano lagu wado waxa uu ahaa qorshahooda.

Dhanka kale Waxa uu sheegay in Isbadal Amni laga dareemay deegaanka Garcad iyo tuulooyinka hoos yimaada ka dib Imaanshaha Ciidanka Badda Puntland oo Saldhig Wayn ka Sameystay deegaanka Gacarad ee Gobolka Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here