Safiirka UK u Qaabilsan Soomaaliya oo La Kulmay Madaxweynaha Somali-land+Sawirro

0

Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda hargeysa ee caasimadda Somali-land isagoona noqday  diblomaasigii u horeeyay ee reer galbeedka ka socda oo booqda Somali-land.

Danjire David Concar ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi cabdi, waxaa uu ammaanay sida nabadda iyo dimoqraadiga leh ee ay u dhacday doorashada.

David Concar ayaa sheegay in in si dhow ula shaqeyn doono Madaxweynaha cusub, sidoo kale waxaa uu xusay in UK ay sii wadi doonto wada shaqeynta adag ee ay la leedahay shacabka Somaliland.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi ayaa ka mahadceliyay booqashada Safiirka ugu yimid iyo doorka saaxibtinimo ee dowladda UK la leedahay Somaliland, waxaa uu ka dhawaajiyay inay ka go’an tahay in la sii xoojiyo xiriirka labada dhinac u dhaxeeya.

Dowladda UK ayaa si dhow ula socotay doorashada Somaliland, sidoo kalena taageero dhow la garab taagneyd Guddiga doorashada Somaliland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here