Al-shabaab Oo Sheegtay Iney Gaari BG ah ku Gubeen Shabeellada Hoose

0

Ciidamo ka Tirsan kuwa Midowga Afrika AMISOM ayaa qarax miino oo dhulka lagu aasay waxaa lagula eegtay qeybo ka mid ah Gobalka Sh/Hoose.

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa lagula eegtay aga-gaarka deegaanka Ceelwareegow ee gobalka Shabeelada Hoose. ilo dadka deegaanka ayaa Idaacada Simba u sheegay iney maqalyeen dhawaqa qarax Xoogan oo laga maqlay duleedka Magaalada Marka ee Gobalka Shabeellada Hoose.

Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Qaraxan waxeyna sheegeen iney ku gubeen gaari Nooca loo yaqaan BG-ga ee sahayda u qaada Ciidamada, waxeyna intaasi ku dareen shabaab inuu jiro Dhimasho iyo dhaawac uu sababay qaraxa ay la eegteen Ciidamada Amisom.

Gobalka Shabeelaha hoose ayaa ka mid ah gobalada Ciidamada AMISOM lagula eegto Qaraxyada iyo Weerarada in badan ay sheegtaan Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here