Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ku soo wajahan yihiin boqolaal ka mid ah Al-Shabaab , kuwaa oo baxsad ka ah duqeymaha dowladda Mareykanka ay ka waddo Koonfurta Soomaaliya.
Warbaahinta kenya ayaa sheegtay iney doonayaan dagaal yahanadaan iney soo galaan gudaha kenya kuwaa oo kasoo firxanaya weerarada duqeymaha Mareykanka uu ka fulinayay Bilihii danbe Somaaliya.
Saraakiisha Ammaanka kenya ayaa sheegay iney heegan galiyeen Ciidamadooda Booliska iyo kuwa Milletariga kuwaa oo sido kale ay shegeen iney geeyeen goobaha laga yaabo iney kasoo gudbaan sida ay shegeen Dagaalamayaasha Shabaabka ee baxsadka ka ah Duqeymaha Diyaaradaha Mareykanka.
Agaasimaha Hawlgalka keymaha Booni ee Kenya, “Joseph” oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay iney Ciidamadooda ay ku war galiyeen iney ka feejignadaan shabaabka usoo jiheystay dalkooda.
Agaasimaha oo sii hadlaya ayaa sheegay iney ka hortagi donaan shabaabka baxsadka ka ah duqeymaha ayna u ogolaan doonin iney gabaad ka helaan keymaha Booni ee gudah dalka kenya
Waxuuna intaasi ku daray Agaasimaha Hawlgalka keymaha Booni iney Ciidamada kenya sameynayaan howlgalo ka dhan ah shabaabka la sheegay iney kasoo baxsanayaan duqeymaha Mareykanka.
Dadka Kenyaanka ee ku sugan Xadka Soomaaliya ayuu ugu baaqay hadii ay arkaan dagaalyahanada Al-Shabaab in ay ku soo wargeliyaan ciidamada ammaanka.
Diyaaradaha aan duuliyaha laheen ee Mareykanka ayaa kordhiyay bilihii ugu danbeeyay Weerarada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Somaaliya.

