Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa eedeen u jeediyay madaxweynaha maamulkaas Mudane Shariif Xasan Sheikh aadan iyagoo ku eedeeyay in uusan wax horumar ah ka sameynin deeganaada maamulkaas.
Xildhibaanad Cibaado Cabdi Cali oo kamid ah baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, islamarkaana qeyb ka ah xildhibanadda mucaaradsan Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegtay in deeganada Koonfur galbeed ay ka jiraan baahi weyn.
Waxa ay sheegtay in saddexdii sano aynu soo dhaafnay madaxweyne Shariif Xasan Sheikh aadan uu waqtigiisa kulumiyay kulamo aan waxba soo kordhinin islamarkaana shacabka Koonfur Galbeed Soomaliya aysan ku qanacsaneen hogaamintiisa.
Dhanka kale xildhibaanad Cibaado ayaa sheegtay in laga hor istaagay kulan ay la qaadan lahaayeen Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo arbacii gaaray magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulkaas.

