Dowlada Mareykanka ayaa laba laabtay sanadkaan weerarada ka dhanka ah Xarakada Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.
Ciidanka Mareykanka ka jooga Soomaaliya ayaa sidoo kale sanadkaan la kordhiyay. In ka badan 500 oo askari oo isugu jira ciidamo ka qeyb qaata howlgalada military kuwo talooyin bixiya iyo kuw ka shaqeeya arrimaha farsamada ciidanka ayaa ku sugan Soomaaliya.
Duqeymihii ugu dambeeyay ee dhinaca cirka ah Ciidamada Mareykanka ayaa waxay ka fuliyeen saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin Meel 125-Mile kaga began waqooyi galbeed Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Maalintii Talaadada
Duqeyntaasi waxa uu Mareykanka sheegay in ay ku dileen Dagaal yahano u badan Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo gaaraya 100
Haddaba duqeyntan sii kordheysa ee diyaaradaha Mareykanka ay geysanayaan maxay uga dhigantahay dagaalka dowlda dagaalka ay kula jirto Al-Shabab.su,aalahaas iyo ku wa kale waxaan kawareysanay khabiil Millatari korneel Korneel Cabdi Aadan Bare khabiir dhanka amniga.
Dhageyso: Wareysiga uu Idaacada Simba Siiyay khabiir Amni ( Korneel Cabdi Aadan Bare )

