Kulankan oo ujeedadiisu ahayd salaam guud iyo duco ah ayey wada yeesheen madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo iyo Madaxweynaha Cusub, mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay shacbiga Somaliland u doorteen inuu hoggaamiyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland shanta sanno ee soo socda oo ay wehelinayeen Madaxweyne Ku xigeenka dib loo doortay, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee Xisbiga Kulmiye, masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah xukuumadda iyo xisbiga kulmiye







