Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhaweyd uu magaaladaas gaaray Wafdi uu Hogaamiyay Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Dr axmed Cali Daahir.
Wafdi Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr axmed Cali Daahir waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyay madaxda Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne.
Dr axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha ayaa dhanka kale la filayaa in uu ka qeyb Galo xaflada uu xilka Kula wareegayo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar Yuusuf Daba-geed oo dhawaan loo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,

