Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerar loo adeegsaday diyaarad oo ka dhacay deegaanka Basra oo u dhaxeeya Degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee Gobolada Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha Dhexe.
Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerar ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab, Islamarkaana labo jeer deegaankaas la duqeeyay oo Al-shaabab ay la wareegeen galinkii dambe ee jimcihii.
Mareykanka ma uusan sheegin tiradda rasmiga ah ee Al-shabaab ee lagu dilay weerarka ka dhacay deegaanka Basra oo u dhaxeeya Degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee Gobolada Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha Dhexe.
Maamulka Madaxweynaha dalka Mareykanka ee Trump ayaa oggolaaday howlgallada millatari ee la ballaariyay horraantii sannadkan ka dhanka ah xagjirnimada ka jirta wadamada Geeska Afrika gaar ahaan Soomliya.
Horaantii bishan, Mareykanka ayaa bilaabay weerarkii ugu horreeyay ee ka dhanka ah dagaalyahannada ISIS ee Soomaaliya, iyada oo lagu bartilmaameedsaday unug yar oo laakiin sii kordhaya oo ka soo baxay waqooyiga Puntland laba sano ka hor.
War qoraal ah oo bartiisa twitter-ka uu so dhigay wasiirka warfaafinta ee dowladda Somalia Cabdriaxmaan YAriisow ayaa lagu sheegay in Weerar qorshaysan oo hay’adaha amniga ay ka fuliyeen Degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada lagu dilay 81, isla markaana lagu burburiyay tiro baabuurta dagaalka iyo waliba hubka culus.
Wasiirka ayaa qoraalka ku sheegay in ciidanka lagu dilay howlgalkan ay ahaayeen kuwa loo diyaarinayay inay weerarro ka geystaan gobolka Gedo.
Sidoo kale wasiirka warfaafinta ee dowladda Somalia Cabdriaxmaan Yariisow ayaa sheegay in howlgalo kale laga sameeyay Degmooyinka Gobolada shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ee Koonfurta dalka Soomaliya.
Afhayeenka Xarakadda al-Shabaab Shiikh Cabdulcasiis Abu Muscab oo la hadlay warbaahinta Al-shabaab ayaa beeniyay qoraalka wasiirka warfaafinta ee Xukuumadda Somalia, wuxuuna ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

