Hay’adda UNHCR oo Soo Bandhigtay Tiradda Qaxtootiga ee Soomaliya Kusoo Laabtay

0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in 108,498  oo qaxooti Soomaaliyeed ah in ay si iskooda ah ugu soo laabtaan gudaha dalka Soomaaliya  tan  iyo bishii December sanadii 2014-kii.

Guddiga qaramada midoobay  u qaabilsan qaxootiga Ee UNHCR ayaa sheegay in 73,943 qaxooti ah in ay ka yimaadeen dalka Kenya, halka 33,921 oo qaxooti soomalaaliyeed ahna in ay soomaaliya dib ugu soo laabteen kuwaa oo ka yimid dalka yeman iyadoo 625 qof oo ahaa soomaali magangalyo doon ah in ay si iskooda ah ugu soolaabteen dalalka Djibouti, Eretria, Tunisia, iyo Pakistan.

UNHCR ayaa tilmaamtay in xaalado bini’aadamo ay soo wajahday qaxootiga dib loogu celiyay magaalada baydhabo, waxaana ay sheegeen in caqabado dhanka amniga ah ay ka soo wajahday xuduudka u dhaxeeya soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan magaalada Dhoobleey iyo in la’istaajiyay fiisooyinkii dib loogu laabanayay magaalada Kismaayo.

Waxaa qaramada midoobeay ay sheegtay in soomaaliya ay kabarakaceen 2 million oo qof oo xaalado bini’aadanimo ay soo wajahday kuwaa oo imanka galay in kabadan 30 sano.

  • million oo qof ayaa ku barakacsan magaalada muqdisho waxaana warbixintan lagu sheegay ku dhawaad 900,000 oo qof in gobalada dalka ay ku barakacsan yihiin.

Ugu Dambeyntii hay’adda qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso qaxootiga sida iskooda ah ugu soolaabanaya gudaha dalka soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here