Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Biyaha oo Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Xukuumadda Somaliya ay horgeysay.
Hindise Sharciyeedkan ayaa maray heerarka kala duwan ee akhrinta, waxaana ugu dambeyn maanta loo qaaday cod, iyadoo xubnaha Baarlamaanka ay ansixiyeen.
147 Xildhibaan ayaa ansixisay Hindise Sharciyeedkaan, waxaana diiday saddex Xildhibaan ma jirin cid ka aamustay.
Wasiirka Wasaaradda Korontada Iyo biyaha Xukuumadda Somaliya Saalim Caliyow Ibroow, ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya tallaabada ay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Biyaha.
Wuxuu sheegay wasiirka in sharcigaan inuu wax badan ka bedeli doono hanaanka Biyaha Somaliya oo qorshe ay u diyaarisay Wasaaradiisa.

