Kenya oo Lacago Dul Dhigtay Madaxyadda Xubno Ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab

0

Wasaaradda Amniga dalka Kenya ayaa soo bandhigtay magacyadda xubno ay sheegtay in ay ka tirsan yihiin Xarakadda Al-Shabaab.

Waxa ay sheegtay wasaaradda in raggaasi Madaxyadooda la duldhigay  2-Milayn oo Lacagta Kenya ah, islamarkaana ay Qatar ku yihiin amniga dalka Kenya.

Axmed Siciid Cumar iyo Cali Zira ayaa lagula kala sheegay Magacyadda Ragga ay dowladda Kenya Madaxyadooda ay lacagta dul dhigtay.

Sidoo kale Dadweynaha reer Kenya ayay ka codsatay Wasaaradda Amniga in ay ku gacansiiyaan soo qabashadda labadaasi nin oo ka Tirsan dagaalyahanada kenyaan-ka ah ee ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab.

Dowladdda Kenya ayaa horey lacago u dul dhigtay Madaxyadda Saraakiil iyo dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shaabab, kuwaasi oo fududeeya qaraxyadda iyo dilalka ka dhaca Gobolka Woqooyi Bari ee dalka kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here