Kooxda Kormeerka Cuna-qabataynta Hubka ee Saaran Somaliya oo Waqtiga Loo Kordhiyay

0

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay aya isku raacay in waqtiga loo kordhiyo Kooxda kormeerka Soomaaliya iyo  Eritrea ee loo yaqaano Monitoring Group.

Kooxdaan oo ka kooban siddeed khabiir oo salhigoodu yahay Kenya, ayaa waajibaadkooda shaqo waxaa loo kordhiyay illaa laga gaarayo 15 December 2017.

Monitoring Group ayaa shaqadoodu waxay tahay, inay kormeer iyo baaritaan ku sameeyaan fulinta tallaabooyinka lagu soo rogay wadamadda Soomaaliya iyo Eritrea, kuwaas oo kala ah, xayiraadda hubka, mamnuucista safarka,xayiraadda hantida, iyo mamnuuca dhuxusha Soomaaliya  laga dhoofiyo.

Sidoo kale waxaa kamid ah shaqadooda, Qiimaynta tallaabooyinka ay qaadeen madaxda Soomaalida, iyo sidoo kale Dawladaha Xubnaha ka ah, gaar ahaan, kuwa gobolka.

Kooxda kormeerka Soomaaliyaa iyo  Eritrea ee Monitoring Group, ayaa labadii bishaan November waxay soo saaraan warbixin dheer oo ka kooban 161 bog, taasoo ay kaga hadlayaan xaalada Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here