Hay’adaha Amniga oo Gacanta Ku Dhigay Haamo ay Ku jireen Waxyaabaha Qarxa+Dhageyso

0

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa waxa ay Maanta ku yeesheen gudaha Magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta waxaa shir gudoominayay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen amniga, Cadaalada, dib-uhehsiisiinta iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Ku simaha taliyaha  NabadSugida Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay ku guuleysteen soo qabashada dad diyaarinayay Haamo ay ku jireen waxyaabaha qarxa kuwaas oo dadka lagu dhibaateyn lahaa.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaliya  aya sidoo kale shirkoodii ku soo hadal qaaday Warar Idaacaddaha qaar ay baahinayeen oo ahaa in Muqdisho ay ku jiraan Gawaari ay qaraxyo ka buuxaan.

Markii uu kulanka soo gaba gaboobay ayaa waxaa qodobadii ka soo baxay Warbaahinta u Akhriyay Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here