Saraakiil katirsan Sirdoonka Qaranka Oo Lagu Dilay Waqooyiga Muqdisho

0

Maanta duhurkii ayaa jugta qarax xooggan laga maqlay degmada Huriwaa ee dhacda waqooyiga Magaalada  Muqdisho.

Qaraxan ayaa lala eegtay Sarkiil  katirsan Kuwa Sirdoonka dowladda Soomaaliya, xilli ay ku socdaalayeen xaafadda Suuqa xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa waxeyna intaasi raciyeen iney ku dileen Sadax kamid ah Saraakiisha Sirdoonka dowlada Soomaaliya oo marayay inta u dhaxeyso isgoyska SOS Iyo dhismaha warshadda Nacnaca ee xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaan ee Magaalada Muqdisho.

Wali wax war ah kama soo bixin laamaha amaanka dowlada soomaaliya ee ku adan Sadaxda Sarkaal ee la sheegay In lagu dilay Qarax ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

Shalay ayay aheyd markii qarax lagu dilay mas’uul katirsanaa wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here