Shil Qasaaro Geystay Oo Maanta ka Dhacay Deegaanka Cisileey

0

Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya Shil Qasaaro geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Cisaleey Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaariga maanta rogmaday ayaa la sheegay inuu caano ka keenay  Ceel-macaan kaa oo kusoo jeeday Magaalada Muqdisho. balse darawalka gaariga kaxeynayay oo u waday gaariga si xowli ah sababtay in gaariga rogmado halkaasina ay waxyaalo kasoo gaarto dadkii saarnaa gaariga maanta ku rogmaday deegaanka Cisaleey Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho oo la xiriirtay dadkii waxyeelada ay kasoo gaaratay rogmadashada gaariga ayaa u sheegay iney arkayeen dhaawacyada ilaa sagaal ruux oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga dheynada ee maanta ku gadoomay deegaanka Cisaleey Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, dhawacyadana loo qaaday Isbitaalka Keysaney ee Magaalada Muqdisho.

Rogmashada gawaarida ayaa inta badan loo sababeeyaa burburka wadooyinka gawaarida ay marayaan, tan iyo markii burburkii dowladii dhaxe, ayaan cid wax ka qabata aanay jirin ilaa iyo hadda oo burburkiisa uu sii darsanayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here