Al-shabaab Oo Sheegay Qarax Gaari Lagu Xiray Oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Faah fahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay Qarax gaarigiisa loogu Xiray mid kamid ah Mas.uuliyiinta wasaarada Caafimaadka Dowlada Federaalka Soomaaliya  oo marayay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegatay qarax gaarigiisa loogu xiray Sarkaal katirsan Wasaarada Caafimaadka Dowlda Soomaaliya, oo marayay inta u Dhexeysa Warta Siigaale iyo Xarunta Magareeshinka ee Degmada Hodan.

Sargaalka Qaraxa loogu xiray Gaarigiisa ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Xirsi , kaa uu dhaawac culus  oo dhanka hoose ah kasoo gaaray Qaraxa  garigiisa loogu xiray ee maanta Ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Xiriiro idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ay la sameysay Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa ka gaab saday iney wax faah faahin ka bixiyan Dhaawaca soo gaaray Xirsi oo katirsan Mas,uuliyiinta Wasaarada Dowlada Soomaaliya Ee dhaawaciisa hada lagu dabiibayo Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here