Musharaxa xisbiga Ucid ee Soomaaliland Feysal Cali Waraabe oo lahadalay idaacada Simba ee magaalada muqdisho ayaa sheegay hadii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Soomaaliland in uu wadahadal aan shisheeye ku dhex jirin uu lafuri doono Soomaaliya.
Musharaxan ayaa sidoo kale ka hadlay Iyadoo Xiisad Xoog leh ay ka dhex jirto Maamulada Puntland iyo Somaliland islamarkaana la xiriirta Doorashada Somaliland oo Puntland ay sheegtay in ay ka hortageyso in ay ka dhacdo Gobollada Labada Maamul ay ku muran san yihiin ee Sool iyo Sanaag iyadoona Puntland ay sheegtay in Gobollada Sool iyo Sanaag aysan ka dhici doonin Doorashada Somaliland.
Puntland tabar ay nagu qal qal galiyaan mahayaan hadii ay isku dayan in doorarasd looga dareerayo Soomaaliland 13 bishan ay carqaladeeyaan wxaan adeegsan doonaa awoodeena ilaa garowe ayeyna socon doonaan ciidamadeeda ayuu yiri musharaxa xisbiga Ucid Feysal Cali waraabe
Wax kayar 10 cisho ayaa haatan ka harsan doorashada iyadoona horay uu Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen tirada guud ee codbixiyaasha doorashada madaxtooyada ee lagu wado in la qabto 13-ka bishan
Dadka kaararka codbixinta qaatay ee xaqa u leh inay codkooda dhiibtaan ayuu guddigu ku sheegay inay dhan yihiin 704,089 qof iyadoo1642 goobood laga dhiiban doono codadka.
Halkan Kadhageyso Wareysiga Musharaxa Xisbiga U CID Feysla Cali Waraabe

