Qaraxaan oo dhawaaqiisa laga Maqlay qeybo ka mid ah Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa maanta ka dhacay Degmada Hodan kaasi oo ahaa Qarax lagu Xiray gaari Nuuca Raaxada ah oo uu watay Ruux aan wali heybtiisa la garan.
Goobjoogayaal ayaa Idaacada Simba u Xaqiijiyey in gaarigu uu qaraxay Xili uu marayey inta u Dhexeysa Warta Siigaale iyo Xarunta Magareeshinka ee laga qaato Baasa Boorada, islamarkaana uu halkaasi bur-bur xoogan kasoo gaaray gaariga miinada lagu xiray.
Wararka qaar ayaa Sheegaya in Dhaawac Culus uu soo gaaray Ruuxa gaariga Qarax loogu Xiray islamarkaan loo la cararey Goob-caafimaad oo meesha ku dhow.
Ciidamada Katirsan kuwa Dowlada Soomaaliya ayaaa soo garay goobta uu qaraxa ka dhacay halkaasina ka sameynaya Howlgalo lagu baadi goobayo ragii ka danbeyay Qaraxa Gaariga lagu xiray
Wixii kusoo kordha waan idinla wadaagi doonaa

