Sarkaal katirsan Boliska Kenya Oo lagu la yahay Weerar ka Dhacay Mandera

0

Sarkaal katirsan Ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaa lagu la yahay werar dhaliyay qasaaro nafeed iyo mid maliyadeed dhaliyay oo ka dhacay gobalka mandheera.

Werarka lagu la yahay sarkaalkaan ayaa dagaal yahano katirsan Al-shabaab waxa ay ku qaadeen Ciidamo katirsan kuwa booliska dalka Kenya oo ku socdaalayay Deegaanka Dabasiti oo ku dhow Xuduudka Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Sarkaal katirsan Ciidamada dowlada Kenya ayaa aya xaqiijiyay in wadada loo galay 12 katirsan Ciidamada dowlada Kenya gaar ahaan kuwa boliska dalkasi oo mararyay Deegaanka Dabasiti.

Sarkaalka waxa uu tilmaamay in la diray Ciiddan Gurmad, kuwaasi oo uu sheegay inay soo badbaadiyeen 11 Askari, balse la la yahay Sarkaal kale oo sheegay inuu dhuumaalaysi ku jiro, waa sida uu sheegay sarkaalkan.

Al-shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay weerarka lagu qaaday Ciidamada Booliska Kenya ee mararayay Deegaanka Dabasiti oo ku dhow Xuduudka Kenya la wadaagto Soomaaliya. Shabaab ayaa intaasi ku daray iney weerarkaasi ku dileen 12  katirsan Ciidamada Kenya halkaasina ay ku gubeen laba gaari oo ah kuwa Dagaalka, waa sida hadalka u dhigeen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here