Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sheegtay inaysan waxba kala socon shirka magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya uu ku qabanayo ururka Caalamiga ah ee International Research Networks.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Badroolka iyo macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa lagu sheegay in shirkaas aysan shaqo ku laheyn dowladda islamarkaana wararka la baahiyay ay yihiin kuwa been abuur ah.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay inaysan waxba dowladda Soomaaliya ka khuseyn natiijada kasoo baxo shirkaas.
Wasaaradda Badroolka iyo macdanta dowladda ayaa ururkaas ka codsatay inuu si deg deg ah uga laabto been abuurka ay ka sameeyeen dowladda.
Ururka Caalamiga ah ee International Research Networks ayaa sheegay in uu shir ku qaban rabo magaalada Nairobi ee Caasimadda kenya, waxaana shirkaas ka qeyb geli doono dowlado ay kamid tahay Soomaaliya.
Shirkaas oo mowduuciisu yahay Somalia Oil, Gas and Mining ayaa lagu wadaa inuu dhaco Bisha March ee 2018-ka.
Ururkaas ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya taageero uga heystaan shirkaas islamarkaasna ay ogtahay, waxayna soo bandhigeyn waraaq ay sheegeen inay kasoo baxday dowladda dhexe oo lagu aqbalay shirka.

