Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay roob aad u xoogan.
Roobkaan ayaa bilowday abaare 02:20AM Habeenimo ee xalay wuxuuna si xoogan kaga da’ay Magaaladda muqdisho iyo deegaanada duleedka ka ah Caasimadda Muqdisho sida Gobolada Shabeelooyinka.
Roobka dayrta ayaa ka curtay inta badan Gobolada,Gedo,Hiiraan,Galguduud,Mudug,Shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhexe.
Hasayeeshee Roobkaan xalay ka da,ay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka ayaa saamayn ku yeeshay dadka Barakacayaasha ah ee ku jira Kaamamka ku yaalada Magaalada iyo deegaanada duleedka ka ah.
Waxaa saakay hakad galay inta badan isku socodka iyo gaadiidka ka dhex shaqeeya degmooyinka Gobolka Banaadir.

