Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo la hadlay idaacdda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in aan wali wax xal ah laga gaarin khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Sare ee Maamulka Galmuudg.
Waxa uu sheegay in Madaxda sare ee Maamulka Galmudug sida madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka,ku-xigeenadiisa, iyo isaga in ay ku sugan yihiin magaaadda muqdisho ee Caasimadda Soomaliya islamarkaana ay kawada hadleen arimo dhowr ah.
Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug waxa uu sidoo kale sheegay in ay la kulmeen madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) islamarkaana ay isla meel dhigeen sidii loo xalin lahaa khilaafka xiligaan taagan.
Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), ayaa sheegay in ay la kulmeen hay’addo caalami ah oo ku sugan magaaladda Muqdisho ayna kala hadleen sidii loogu qeyb qaadan lahaa u gurmashada dadka ay abaaraha samaayeen ee deeganada Maamulka Galmudug.

