Xildhibaan Cali Xasan oo kamid ah baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Shiikh aadan in uu ku guuldarestay hogamainta Maamulka.
Waxa uu sheegay in ay sameysteen kutlad ay ugu magac-dareen badbaadinta dowladd goboleedka koonfur galbeed Somaliya, islamarkaana ay dhawaan mooshin ay horgeyn doonaan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.
“Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya uu hogaamiyo Shariif Xasan Shiikh aadan waa uu fashilmay, waxaan diyaarinay Mooshin xilka loogu qaadayo Shariif Xasan,xildhibaanada saxiixay Mooshinka waa tiradii ugu badneed dhawaan ay horgeyn doonaa Guddoonka Koonfur Galbeed Soomaliya”, ayuu yiri Gudoomiyaha Kutladda Badbaadinta Koonfur Galbeed Soomaliya Cali.
Dhanka kale Xildhibaan Cali Xasan oo kamid ah baarlamaanka maamulka koonfur Galbeed Soomaliya ayaa beeniyay wararka ku aadan in mooshinka xilka loogu tuurayo Shariif Xasan ay gadaal ka riixayso Dowladda Dhexe ee Soomaliya islamarkaana ay lacago ku bixinayso.

