Akhriso:-Dowladda Mareykanka oo Beenisay In Dhaqaalaha ay Ka Jarayso Soomaaliya

0

Dowladda Mareykanka ayaa beenisay warar maalmihii u dambeeyay ay baahinayeen qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Soomaalida iyo wargeyso ka soo baxa Kenya oo sheegayay in dowladda Mareykanka ay joojineyso taageeraddii dhaqaale ee ay siin jirtay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Qoraal Kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Mareykanka ayaa lagu faah-faahiyay arintaas.

“Wararka sheegaya in dowladda Mareykanka ay u joojineyso dhaqaalihii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, taasoo lala xiriiriyay in saraakiil Soomaali ah ay fududeeyeen qaraxyadii Muqdisho – waa kuwo aan sax aheyn”

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadeyso taageerada ay ku bixiso ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada iyo dadaalka ay ugu jiraan la dagaalanka Al-Shabaab.

Qoraalka waxaa lagu yiri “dowladda Mareykanka waxey mudnaanta siisaa daah furnaanta iyo la xisaabtanka Soomaaliya, taasoo ka turjumeysa mid ka mid ah waxyaabihii uu Madaxweyne Farmaajo ballan qaaday markii uu xafiiska la wareegayay horaantii sanadkan.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “dowladda Mareykanka waxey horey dowladda Soomaaliya ugala hadashay shuruudaha ku xiran kaalmada dhinaca ammaanka ee uu Mareykanka bixiyo, waxaana ka mid ah inaan si dhow ula soconno halka lagu bixiyo taageeradeenna.”

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here