Xogahayaha guud ee gudiga difaaca baarlamaanka Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo lahadalay idaacada Siimba ayaa kawarbixiyay kulamo saacadihii u dambeeyay ay gudiga difaaca baarlamaanka la yeesheen heyadaha amniga ee dowlada
Labadii maalmood ee u dambeeyay waxaa magalada muqdisho ku shiray gudiga difaaca ee golaha shacabka kaas oo ay kaga hadleen xaalad amni ee dalka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee kadhacay caasimada
Arbacadii aya gudigan waxa uu la kulmay masuuliyiinta laamaha amniga dowlada sida wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhiga iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi
Xogahayaha guud ee gudiga difaaca baarlamaanka Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa sheegay in kulankoda ay diirada ku saareen sidii ay masuuliyinta hetadaha amniga ugu heli lahaayeen xog dhameystiran si ay ugu gudbiyan baarlamaanka Soomaaliya todobaadkan soo socda
Halkan ka dhageyso Wareysiga Xildhibaan Warfaa

