Dhageyso;- Gudiga difaaca baarlamanka Oo faafaahin ka bixiyay kulan ay la yeehssen heyadaha amniga

0

Xogahayaha guud ee gudiga difaaca baarlamaanka Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo lahadalay idaacada Siimba  ayaa kawarbixiyay kulamo saacadihii u dambeeyay ay gudiga difaaca baarlamaanka la yeesheen heyadaha amniga ee dowlada

Labadii maalmood ee u dambeeyay waxaa magalada muqdisho ku shiray gudiga difaaca ee golaha shacabka kaas oo ay kaga hadleen xaalad amni ee dalka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee kadhacay caasimada

Arbacadii aya gudigan waxa uu la kulmay masuuliyiinta laamaha amniga dowlada sida wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhiga iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi

Xogahayaha guud ee gudiga difaaca baarlamaanka Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa sheegay in kulankoda ay diirada ku saareen sidii ay masuuliyinta hetadaha amniga ugu heli lahaayeen xog dhameystiran si ay ugu gudbiyan baarlamaanka Soomaaliya todobaadkan soo socda

Halkan ka dhageyso Wareysiga Xildhibaan Warfaa

120101_008

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here