Maxaabis Soomaliyeed oo Laga Sii Daayay Dalka Tanzania.

0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka  Tanzania Mudane Maxamed Xasan Cabdi oo  Warbaahinta Qaranka  la hadlay ayaaa sheegay in xabsiyada ku yaala  Tanzania  laga sii daayay muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaaraya 20 qofood ,oo  4 carruur ah ay ku jiraan.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ku xirnaa  xabsiyo ku yaalla Magaalooyinka Taanga iyo Lindi ee Dalka Tanzania.

Kadib kulan uu safiirku la qaatay wasiirka arrimaha gudaha Tanzania Mwiguli Najambe iyo Xuseen Baashe oo ah xildhibaan reer Tanzania ah oo asalkiisu Soomaali yahay, ayaa lagu guuleystay in la sii daayo dadka Soomaaliyeed oo ku xukunnaa xabsiyo u dhexeeya 3 bilood ilaa 3 sano.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee laga sii daayay xabsiyada Tanzania ayaa la filayaa inay Berri Subax ama maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania Mudane Maxamed Xasan Cabdi ayaa sheegay in ay safaaraddu ku howlan tahay sidii loo sii deyn lahaa ilaa 7 qof oo kale oo howshooda  sii deyntoodu heer gebo-gebo ah mareyso.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here