Cumar Axmed Waa Aabaha dhalay Wariye C/rasaaq Cumar Axmed Syria oo muddo isbuuc ka badan u xiran Dowladda Soomaaliya Waxaa uu sheegay in ka qoys ahaan ay garan la’yihiin sababta keentay Xarigga Wiilkooda Wariye C/rasaaq Syria oo ahaa wariye ka mida wariyayaasha Soomaaliyeed.
Aabbe Cumar oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in Wiilkiisa la xirtay oo kaliya ilaa haddana uusan garanayn sababta keentay tuhunka lagu xiray wariyaha.
Cumar Axmed oo aan weydiinay Waxa uu ka ogaa waxyaabaha uu qabanjiray Wariye Syria ayaa sheegay in Saxaafadda ka sokoow uu dhiganjiray Mid ka mid ah Jaamacadaha Ku yaalla Magaalad Muqdisho wax kalena uusan ku ogeyn sida uu sheegay.
Waxaa uu dalbaday in hadda dowladda ay ka rabaan in wiilkiisa dambiga ay ku haysato ay soo caddeyso haddii kalena lasii daayo isagoona intaa raaciyey in qalad ay tahay in qof muwaadin ahi uu bilaa maxkamad xabsi ku jiro.
Wariye C/rasaaq Cumar Axmed oo loo yaqaanno Syria ayaa ka mid ah Wariyayaasha Ka howlgala Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaana uu kasoo shaqeeyey Warbaahinno ku yaalla Magaalada Muqdisho isagoona Sidoo kale la shaqeynayey waayihii dambe Website-yo Maxalli ah,Waa Markii labaad ee Dowladdu ay xiraty Wariye Syria Isbuucii hore dabayaaqadiisii ayaa la xiray isaga iyo wariye kale waloow Markii dambe lasii daayey Wariye Abuubakar Maxamed Cali oo lala xiray halka Syriyana uu xabsiga ugusii jiro dowladda Soomaaliya iyadoona aan ilaa iyo hadda la ogeyn Sababta Keentay Arinkaan,Laamaha Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaanan wali wax war ah kasoo saarin Xarigga Wariyahan.

