Wararka ka imaanaya Magaaladda Boosaaso ee Gobolka bari ayaa ku waramaya in qarax miino uu ka dhacay Magaaladaas.
Laamaha ammaanka Magaaladda Boosaaso ee gobolka Bari ayaa xaqiijiyey in qarixii xalay ka dhacay magaaladaas la dhigay qeybta dambe ee Shirkadda Amal Bank (ama daarta Amal Plaza) uu qarxay , aysana jirin wax saameyn leh uu qaraxaasi geystay marka laga yimaado burbur aan sidaa u badnayn oo soo gaaray goobta uu qaraxo ka Qarxay .
Sidoo kale laamaha amaanka Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegay in qaraxa kadib ay sameeyeen baaritaano lagu ogaanayay ragii ka dambeeyay qaraxa halkaas la dhigay ee aan geysanin khasaaraha.

