Sheekh Axmed C/laahi Xuseen Fanax Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ku aadan in xilkii laga qaaday.
Shiikh Fanax oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid qaldan islamarkaana aysan jirin cid xilkiisa ka qaadi karta.
Sidoo kale Sheekh Axmed C/laahi Xuseen Fanax Gudoomiyaha maxkamadda sare ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in uu haatan ku shaqeeyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hooose,Baydhaba-na uu kaga soo guuray khilaaf kala dhaxeeya Booliska Maamulkaas.
Guddiga garsoorayaasha maamulka koonfur Galbeed Soomaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Baydhabo Waxa ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Gudoomiyihii Maxkmadda Sare ee Maamulkaas Sheekh Axmed C/laahi Xuseen Fanax.

