Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa ka qayb galay shirka wadatashiga madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.
Khudbad uu Madaxweynahu shirka ka jeediyay ayuu kaga hadlay amaanka dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo midnimada umada.
Waxaa uu sheegay in Shirkii dhawaan lagu qabtay Kismaayo warar badan oo been abuur ah iyo dacaayad lagala hortagay balse uu macnahiisu ahaa in Soomaalidu ay dalkooda iyaga oo jooga mustaqbalka iyo aragtiyadooda xal kaga gaaran.
Madaxweynahu wuxuu xusay in ay macquul ahayd in la isku yimaado oo si guud loo wada hadlo martiqaadkana ay u dhigeen in marka hore Dowlad Goboleedyadu ay is arkaan oo wixii Dowlada Dhexe kala jira ay ka hadlaan kadibna shir Muqdisho la isugu yimaado si tabashooyinka loo xaliyo ilaa hadana ay si wanaagsan wax u socdaan.
Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in dagaalka Al-Shabaab aan guul lagaga gaari Karin maryo cas oo madaxa lagu xirto balse ay u baahan tahay dagaal dhab ah oo Dowlad iyo shacaba aan loo kala harin.
Waxaa uu sheegay in loo bahan yahay in la abaabulo Bulshada iyo Culimada isla markana ay si dhab ah u qaatan in cadawgu uuna Dowlad kaliyah u socon oo umada iyo jirintaankeeda uu duulan ku yahay.
“ In daqiiqado aan aamusno ama aan weer cas xirano hadii ay dhibaatada daawo u tahay bal saacado badan aan qoraxda taagnaano oo aan amarkaas wada qaadano” ayuu yiri Madaxweynahu.
Al-Shabaab ayuu Madaxweynahu sheegay in maskax ahaan ay Bulshada u badaleen oo wax badan oo quraafad ah ay ku shubeen ka dhaqisteeduna ay tahay masuuliyad saran qof walba oo Masuul ah.
Madaxad Soomaalida ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay wakhti badan galiyaan sidii rajada Shacabku usoo noqon lahayd oo looga adkaan lahaa Argagixisada dhibka ku haysa dalka.
Amaanka wadanka ayuu Madaxweynahu sheegay in cida masuuliyadu ay ka saran tahay iyo ciidamada looga danbeeyo oo shacabku ay Hay’adaha amaanka ku garab istaagan hawsha adage e ay hayaan.

