Sambaloolshe oo Xilkiisa Ku Waaayay Maqaal uu Ku Qoray Wargeyska Newyork Times

0

Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaliya Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa la sheegay in uu xilkiisa ku waayay maqaal uu dhawaan ku qoray Wargeyska Newyork Times ee Kasoo baxa dalka Mareykanka.

Wargeyska The Gurdian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa daabacay In taliyaha shaqo ka ceyrintiisa ayay sabab u aheyd maqaalkii uu qoray oo uu ku sheegay In Hay’adda Amniga Soomaliya aysan laheyn awood ay ku baaraan qaraxyadda islamarkaana Caalamka ay ka gaabiyeen, garab istaaga dowladda Federaalka Soomaliya.

Wargeyska oo la hadlay sarkaal si dhow ula shaqeeya Nabad Sugidda Soomaaliya oo uu magaciisa qariyay ayaa sheegay in shaqo ka ceyrintii Sanbaloolshe xiriir la leedahay maqaal uu daabacay Newyork Times, kaasi oo banaanka soo dhigay dhibaatooyinka ay wajahayaan Hay’adda Amniga dowladda Soomaliya, kadib qaraxyo labo ahaa oo bishaan gudaheeda ka dhacay magaaladda muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here