Xildhibaan Salaad Ceynte oo xubin ka ah baarlmaanka dowlad goboleedka Galmudug kana mid ahaa taliye ku xigenkii sirdoonka xukuumadiii kacaanka marxuum Maxamed Siyaad Barre ayaa sheegay in talaabada ay golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaliya xilalkii kaga qaadeen Taliyaha Booliiska Abdixakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo Agaasimaha Nabad-Sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), aysan waxba kabadali karin daruufaha amni ee jira
Xildhibaan Salaad oo la hadalay barnaamijka bartilmaameed ee ka baxa idaacada Simba ee magaaladda muqdisho ayaa talooyin amni ujeediyay dowlada Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo).
Kulan ay shalay yeesheen Golaha wasiiradda Xukuumadda federaalka Soomaliya ayaa xilalkii loogu qaaday Taliyayaashii Booliska iyo Nabad Sugidda Soomaliya, Jeneraal Saacid, iyo C/laahi Maxamed Cali (Sambaloolshe), waxaana lagu eedeeyay in ay ku fashilmeen wax ka qabashada amniga Magaaldda Muqdisho.

