Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo haatan ah La taliyaha dhanka siyaasadda Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo), ayaa ku taliyay in si deg deg ah loo toogto ragii lagu qabtay weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2.
Tarsan oo Magaaladda muqdisho kaga qeyb galay aaska xubno ka mid ahaa dowladda iyo dowlad Goboleedyada ayaa dowladda Soomaliya kula taliyay in aan waqti badan la siinin ragii lagu qabtay howlgalkii lagu soo afjaray weerarkii lagu qaaday hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho kaasi oo la sheegay in lagu dilay 19-ruux halka dhaawaca uu gaarsiisan yahay 40-ruux.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xubnahaas lagu hortoogto fagaaraha Ex-Shabeelle islamarkaana lagu fuliyo salbin,si ay ugu qancaan qoysaska dadkooda ku waayay weerarkii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho.
Weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee Magaaladda Muqdisho waxaa lagu dilay Saraakiil Ciidan,Xildhibaan hore, siyaasiyiin, dad shacab ahaa oo caruur u badan iyo Wasiirkii arrimaha gudaha Maamulka Koofur Galbeed.
Dhanka kale Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotelka Naasahablood2 ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo dhacay labo isbuuc kadib weerarkii Isgoyska Zoobe.

