Hay’adaha Amaanka oo Sheegay in La Qabtay Ragii Weeraray Hoteelka Naasa-hablood 2

0

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda federaalka Soomaliya ayaa sheegtay in lasoo af jaray weerarkii lagu qaaday Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda muqdisho kaasi oo  socday in ka badan 13-saacadood.

Afhayeen-ka Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xildhibaan oo la hadlay idaacadda Simba   ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen inay qabtaan raggii weerarka soo qaaday.

Waxaa uu sheegay C/casiis Xildhibaan in ragga weerarka kusoo qaaday hotelka ay ahaayeen shan ruux oo mid is qarxiyay, midna ay ciidamada ammaanka dowladda Soomaliya ay toogteen, saddexda kalena nolosha lagu haayo.

Inta la xaqiijiyay 19-ruux ayaa ku dhimatay 40-kalana waa ay ku dhaawacmeen weerarkii lagu qaaday Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda muqdisho, kaasi oo ay sheegteen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here